4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2024
Dagaal culus oo ciidanka dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaray gobolka Shabeellada Hoose
 

Sabti, Maarso, 23, 2024 (HOL) - Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab ayaa ka dhacay deegaanka Busley Dhannaane iyo Jilib Marko oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

Kooxda Alshabaab ayaa lagusoo waramayaa inay weerarka ku qaadeen farriisin ciidanka xoogga dalka ay ka sameysteen degaanadan oo maalmo ka hor laga saaray kooxda Alshabaab.

Liibaan Golcad oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Booliiska Milatariga Soomaaliya ayaa kamid noqday saraakiil iyo ciidamo ku geeriyooday dagaalka ciidanka dowladda iyo kuwa Alshabaab ku dhexmaray deegaanka Busley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Liibaan Golcad ayaa kamid ahaa sarkaakiisha hoggaaminayay howlgallo maalmihii ugu dambeeyay Alshabaab lagula dagaalamayay oo ka socday gobolka Shabeellada Hoose.

Sarkaalkan ayaa katirsanaa guutada 22-aad ee ciidanka Gungaar ee loo xilsaaray xasilinta amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa taliyaha howlgalinta ciidankaas.

Howlgalka uu hoggaaminayay ayaa Alshabaab looga xoreeyay degaano badan oo saaran dhulka xeebta ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo la sheegay in ay Alshabaab kasoo abaabuli jireen weerarada Muqdisho ka dhaca.

Maalmo ka hor mar uu ka hadlayay degaan laga saaray Alshabaab, wuxuu sheegay, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed inay ka go’an tahay inay Shabaab ka xoreeyaan guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose.