4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2024
Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo maanta gaaray magaalada Garoowe
 

Khamiis, Maarso, 21, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaano, Wasiiro iyo dadweyne kale oo aad u farabadan.

Ujeedka safarka uu maanta ku tagay Garoowe madaxweynahii 9-aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah sidii uu kulamo wadatashi ah ula yeelan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada masuul ayaa la filayaa iney ka wada hadli doonaan xaalada guud ee siyaasada dalka, gaar ahaan arrimaha wax ka badalka Dastuurka oo haatan maraya meel aad u xasaasi ah.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu xasuusta inuu si weyn uga soo horjeeday dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hayeeshe waxaa haatan muuqata iney ka mideysan yihiin labadan masuul mucaaradnimada dowladda uu hoggaaminaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.