4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2024
Taliye Cali Cageey "Waxaan qaadeynaa tallaab kasta oo aan cadowga ku naafeyn karno haddii ay tahay dhul iyo cir”
 

Khamiis, Maarso, 21, 2024 (HOL) - Taliyaha Ururka sadaxaad ee ciidamada Gorgor dhame Cali Axmed Cali Cageey oo warbaahinta shir jaraa'id ugu qabtay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa digniin culus u diray shacabka degan goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab iyo kuwa u guuray deegaanadooda.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay dib ugu laabanayaan deegaanadii ay isaga soo baxeen todobaadyadii lasoo dhaafay, islamarkaana uu farayo dadka degan goobahaas iyo kuwa u guuray iney isaga soo tagaan maadama ay duulaan ku yihiin.

Taliye Cali Cageey ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in dadkii ku noolaa deegaanada ku yaala Koonfurta Mudug iney u hogaansamaan amar kasoo baxay kooxda Al-shabaab.

“Shalay waxaa dhacday nasiib darro dadkii daganaa Baraag Ciise ee hal sano iyo bar xor ahaa ee qaadanaayay wax kasta oo adeeg dowladnimo ah nin deegaanka u dhashay ayaa kasoo wacay Jilib amarkii ayay qaateen, waxayna u guureen dhulka Al-Shabaab” ayuu yiri Taliye Cali Cageey.

Taliyaha Ururka sadaxaad ee ciidanka Gorgor ayaa ugu baaqay waxgaradka deegaanadaas in dib loo soo celiyo shacabka aaday goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab oo ay duulaan ku yihiin ciidamada dowladda Fedaraalka.

“Nabadoonada qaaliga ah ee deegaanadaas ku metalo dadka u guuray dhulka Al-shabaab waxaan ugu baaqaya dadka u guuray Shabaab iyo kuwii horay u daganaa in meelahaas ka soo baxaan, Shabaab waa target hadda waa gabagabadii waxaan qaadeynaa tallaab kasta oo aan cadowga ku naafeyn karno haddii ay tahay dhul iyo cir” ayuu yiri Dhame Cali Axmed Cagey.

Hadalka taliyahaan kasoo yeeray ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga soo baxeen dhawaan deegaano muhiim oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug oo ay ka mid yihiin Camaara, Caad, Bacaadweyn iyo Shabeellow.