4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2024
Ciidamada Itoobiya oo qabtay 50 tuhmane ah oo maleegayay weeraro Argagixiso oo lala beegsan laha magaalada Addis Ababa
 

Khamiis, Maarso, 21, 2024 (HOL) - Ciidanka sirdoonka ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen 50 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin koox qarsoodi ah oo falal argagixiso iyo rabshado ka waday caasimadda Addis_Abeba iyo nawaaxigeeda.

Kooxdan ayaa la sheegay in ay maleegayeen falal argagaxiso oo ka dhaca magaalada Addis Ababa iyo deegaanada ku dhow dhow ee gobolka Oromia.

Sida lagu sheegay war qoraal ah, kooxdan qarsoodiga ah, waxay ka hawlgaleen saldhigyo ku yaala Addis Ababa iyo Menjar_Shenkora oo ka tirsan aagga Waqooyi_Shoa ee gobolka Axmaarada, halkaas oo ay ku tababareen ciidan gaar ah oo hubaysan.

Kooxdu waxay kaloo lagu eedeeyay in ay gacan saar la leedahay qaar ka mid ah kaniisadda Ortodokska ee Itoobiya (EOTC), iyaga oo ka faa'iidaysanaya akaniisadaha xudunta u ah hawlaha qarsoon.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xariga uu ka dhashay howlgal qarsoodi ah oo daba socday muddo shan bilood ah. Eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu helay Hub kala duwan, sida qoriga Shiishka, Bambooyin, Lacago Wadamo kala duwan, Buugaag Bangi iyo Dukumentiyo kala duwan.

Mid kamid ah 50-ka tuhmane, Nigatu Gebreyesus, oo sidoo kale loo yaqaan Abraham, ayaa loo aqoonsaday inuu yahay hoggaamiyaha kooxda. Fasil Getachew iyo Tewolde Birhan, oo kooxda u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, saadka, iyo abaabulka kheyraadka, ayaa sidoo kale gacanta lagu dhigay.