4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2024
Madaxweynaha Somaliland iyo Musharaxa Xisbiga Waddani oo yeeshay kulan loogu diyaar garoobayo doorashooyinka
 

Arbaco, Maarso, 20, 2024 (HOL) - Kulan Madaxtooyada Somaliland ku dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Mushaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cadiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa laysku afgartay in si turxaan la'aan ah doorashooyinka loo galo.

Kulankan oo uu sababtiisa lahaa Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, ayay dhinacyadu isku afgarteen qodobo ay ugu muhiimsanyihiin difaaca Somaliland iyo in doorashooyinka loo gelo si isku qalbi fayoobi ah.

"Waxa laysku afgartay in meel looga soo wada jeedo cadawga Somaliland, lagana wada shaqeeyo difaaca qaranka, in ollolaha doorashooyinka lagu galo si bilaa turxaan ah, in natiijada ka soo baxda tartanka doorashooyinka loo hoggaansamo oo ay aqbalaan xisbiyada qaranku" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed madaxtooyada kasoo baxday.

Kulanka ayaa sidookale, laga soo saaray in saddexda cisho ee soo socda ay xisbiyadu kulamo qabsadaan, si ay u sii anba qaadan una  lafo-guraan qodobadan hirgelintooda.

Ugu dembayntii, waxa warxafaadeeda lagu yidhi "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahad-naqay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin soo qaban-qaabinta kulankan iyo ka-shaqaynta danaha guud ee qaranka".

Kulankan ayaa imanaya kadib markii dhawaan uu madaxweynuhu qalinka ku duugay wax ka badal laysla ogolyahay oo lagu sameeyay xeerarka doorashooyinka Somaliland oo in muddo ah uu khilaaf ka taagnaa.

Inkasta oo xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID oo hore khilaaf uga dhexeeyay ay hada heshiis ku yihiin nidaamka cusub ee doorashooyinka hadana waxa jira ururada qaarkood oo kasoo horjeeda heshiiska cusub ee saddaxda xisbi ee waa wayn, kuwaasi oo wax ka badalka xeerarka u arka sharci daro.