4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2024
Bangaladesh oo diiday in la weeraro Markab dalkeeda laga leeyahay oo u afduuban burcad badeedda Soomaalida
 

Arbaco, Maarso, 20, 2024 (HOL) - Markabka MV Abdullah, oo ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa weli lagu haystaa xeebaha, degaanada Puntland, iyadoo mulkiilaha markabka, SR Shipping, iyo mas'uuliyiinta dowladda Bangladesh ay meesha ka saareen in la weeraro markabka.

Waxay sheegeen in mudnaanta la siinayo badqabka shaqaalaha la socda markabka.

Khorshed Alam oo ka tirsan waaxda badda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Bangladesh ayaa ku adkaystay go'aanka ku aaddan in laga fogaado faragelinta hubaysan.

Maamulaha guud ee SR Shipping, Meherul Karim, ayaa xoojiyey mowqifkan, isagoo sheegay in badbaadada shaqaalaha ay tahay mudnaantooda ugu sareysa, wuxuuna xusay in ay meel wacan u marayaan xiriirka ay la sameynaayaan kooxaha burcadbadeedda.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda ayaa warbixin ka heshay kabtanka markabka oo la soo xiriiray taleefoonka satalaytka, iyadoo la xaqiijiyay in dhammaan shaqaalihii markabka ay xaaladdoodu wanaagsan tahay, ayna si wanaagsan ula dhaqmeen burcad-badeedda.

Markabkan oo sida 55,000 oo tan oo dhuxul ah ayaa ku sugan meel afar mayl u jirta xeebaha gobolka Nugaal ee Puntland tan iyo markii laga qabsaday meel 600 mayl- xeebta u jirta toddobaad ka hor.

Sida laga soo xigtay falanqeeyayaasha badda, burcad-badeedda ayaa sugaya in lasiiyo lacago madax-furasho ah.

Sabtidii, Ciidamada Badda Hindiya ayaa ku guuleystay in ay soo furtaan shaqaalihii markabka MV Ruen oo ay burcad badeed Soomaali ah qafaasheen December 2023.

40-saacadood oo dagaal socday ayaa la qabtay 35 burcadbadeed ah kaddib markii ay isa soo dhiibeen, waxaana la soo badbaadiyay 17-shaqaale ah oo la socday.