4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2024
Dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
 

Sabti, Maarso, 2, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal culus oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Baar sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland saaka ay weerar ku qaadeen deegaanka Baar sanguuni oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada is garabsanaya ayaa la sheegay iney ka weerareen Baar sanguuni laba jiho oo kala ah wadada Laamiga iyo dhanka Wabiga Shabeelle oo ay ka talabeen qaar ka mid ah ciidanka, kadibna uu halkaasi ku dhexmaray labada dhinac dagaal saacado badan qaatay oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka ka dhacay Baar sanguuni lagu dilay afar xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay fariisimo kooxdu ku laheyd deegaanka sidoo kalana looga furtay hub iyo saanad ciidan.

Weerarkaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland maanta ku qaadeen deegaanka Baar sanguuni ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Jubbaland dhawaan ay shaacisay iney u diyaar garoobeyso howlgalo Al-shabaab looga xureynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.