4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2024
Ethiopia Airline oo beenisay inay joojisay isticmaalka hawada Soomaaliya
 

Sabti, Maarso, 2, 2024 (HOL) - Shirkadda diyaaradda ee Ethiopian Airlines ayaa waxay beenisay warar baraha bulshada ee internet-ka lagu faafiyay, kuwaas oo sheegayay in shirkaddu ay joojisay isticmaalka hawada Soomaaliya.

Shirkadda Ethiopian Airlines waxay caddaysay in aysan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, iyadoo madaxa shirkadda Ethiopian Airlines uusan sheegin in aysan ammaan ahayn duullimaadyada hawada Soomaaliya.

“Waxaanu idiin xaqiijinaynaa in warqadda lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu sheegay in ay kasoo baxday Ethiopian Airlines, oo loo soo diray IATA, ay tahay mid been abuur ah. Ethiopian Airlines weligeed warqad noocaas ah uma qorin IATA.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirkadda.

Shirkadda ayaa ka codsatay BBC-da Amxaarigu inay saxdo warbixin ay sii daayeen oo ay ku sheegeen in shirkaddu sheegtay in ay joojisay isticmaalka hawada Soomaaliya sababa ay ku sheegeen in aan la isku hallayn karin amniga hawada Soomaaliya.

Warar shalay warbaahinta aad u galay ayaa lagu sheegay, in Itoobiya Airlines ay sheegtay inay hawada Soomaalia ka leexatay. Waxay sheegtay inay dhanka dalka Jabuuti hawadiisa u wareegtay.