4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2024
Dowladda UK oo sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta taageerada amniga Soomaaliya
 

Sabti, Maarso, 2, 2024 (HOL) - Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga UK James Stephen Heappey ayaa soo gabagabeeyey booqasho uu ku tagay Soomaaliya iyo Kenya, isagoo la kulmay madaxda sare iyo saraakiisha difaaca oo uu kala hadlay xoojinta iskaashiga difaaca gobolka iyo  ciidamada.

Wasiiru Dowlaha Difaaca Uk waxa uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si uu ugu xaqiijiyo sida ay UK uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka taageerto amniga mustaqbalka fog.

Sidoo kale waxa uu booqday askar ka tirsan ciidamada Britain oo tababaro siinayay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, waxaana uu kala hadlay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Dowladda UK ayaa si dhow ula shaqeyneysa dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada looga hortagayo kooxda Al-Shabaab, waxaana wasiirku uu ku celceliyay taageerada joogtada ah ee UK ay ka geysaneyso wax ka qabashada khatarta Alshabaab.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga UK oo socdaalkiisa sii wata ayaa kulamo kula soo qaatay dalka Kenya, Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale.

Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga difaaca, kor u qaadista awoodda ciidamada Kenya iyo horumarinta nabadda gobolka iyada oo loo marayo heshiiska iskaashiga difaaca ee UK iyo Kenya.