4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2024
21 qof oo rayid ah oo ku geeriyooday duqayn xalay ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose
 

Talaado, Maarso, 19, 2024 (HOL) - Duqayn uu Mareykanku ka fuliyay degaano hoos yimaada degmada Afgooye, oo qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi galbeed uga magaalada Muqdisho, ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, sida aan kasoo xiganay ehelada dhibanayaasha.

Duqayntan ayaa dhacday xalay fiidkii xilli ay dadkan ku sugnaayeen beerahooda oo ku yaalla deegaanka Baqdaad.

Dadka lagu bartilmaameedsaday duqayntan ayaa ahaa dad isku qoys ah oo aan wax lug ah ku lahayn kooxda Alshabaab sida ay warbaahinta ka sheegeen eheladooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in duqayntaas ay ku dishay ugu yaaran 30 dagaalame oo katirsan Alshabaab, kuwaas oo ay sheegtay inay isku arursadeen goobta lagu bartilmaameedsaday.

Dad goob joogayaal ah iyo ehelada dhibanayaasha oo maanta la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay, in dadka la beegsaday ay ka koobnaayeen ugu yaraan 40 qof, kuwaas oo ay sheegeen in qaarna ay ku geeriyoodeen duqaynta, halka qaar kalena lagu dhaawacay.

Waxay sheegeen markii koowaad iyo markii labaad oo dadkan loosoo gurmaday in mar kale la duqeeyay.

Ehelada dadkan ayaa dowladda Soomaaliya iyo dowladda Maraykanka ka dalbaday caddaalad, iyagoo sheegay in dadkooda loo geystay xasuuq. Waxay sheegeen in loo bartilmaameedsaday si looga barakaciyo dhulkooda.

Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya wax jawaab ah kamasoo saarin cabashada dadkan oo ka cabanaya in dadkooda lagu laayay duqayntii uu xalay Maraykanku ka geystay gobolka Shabeellada Hoose.