4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2024
Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka horyimid wax ka badalka Dastuurka
 

Talaado, Maarso, 19, 2024 (HOL) - 71 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo xalay shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha wax ka badalka Dastuurka kumeel gaarka ah.

Xildhibaanadaan ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in habka wax u socdaan aysan aheyn wax ka badal Dastuur oo ay tahay sameynta Dastuur cusub.

Mudanayaashaan ayaa shir jaraa'id oo ay u qabteen warbaahinta ku sheegay in qorshaha haatan socda uu yahay mid qatar ku ah hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad iyo Senator Maxamed yuusuf Gaagaab oo hogaaminayay Xildhibaanada shirka ku yeeshay Muqdisho ayaa shirka jaraa'id oo ay qabteen ku sheegay ineysan ku taageereyn madaxweyne Xasan Sheekh wax ka bedelka Dastuurka, iyagoona ugu baaqay madaxweynaha inuu ka leexdo wadada uu ku socdo oo keeni karta caqabado hor leh.

"Madaxweyne waan kugu taageersanen howlaha adag ee habeen iyo maalin aad u qabaneysay dalkaan oo aad u soo jeeday, lakiin talaabada wax ka badalka Dastuurka mahan mid an kugu raaci karno" ayuu yuri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Diidmada wax ka badalka Dastuurka ee Xildhibaanadaan ka tirsan labada gole ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo horay ay uga soo horjeesteen talaabada madaxda sare ee dalka ay wax kaga badalayaan Dastuurka madaxweynayaashii hore iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.