4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2024
Ciidamada dowladda oo howlgalo culus ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug
 

Talaado, Maarso, 19, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgal cir iyo dhul ah ku beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku yaala deegaanada Qaycad iyo nawaaxiga Shabeellow.

Gaashaanle Cabdiraxmaan Nuur oo ka mid ah Saraakiisha howlgaladaasi hoggaamineysay ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalada ay ku dileen horjooge ka tirsan Al-shabaab iyo maleeshiyaad kale.

Gaashaanlaha muusan shaacin magaca horjoogaha howlgalka lagu dilay iyo tirada maleeshiyaadka kale, hayeshee wuxuu sheegay in saacadaha soo socda ay faahfaahinta rasmiga ah soo gudbin doonaan.

Howlgaladaan saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanadaan dhaca Koonfurta Mudug ayaa kusoo beegmaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ay soo baneeyeen fariisimahii ay ku lahayeen deegaanada kala ah Bacaadweyn, Caad, Camaara iyo Shabeellow oo dhamaantood ahaa deegaano si dhib badan markii hore looga saaray Al-shabaab.