4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2024
Ciidanka dib u xureynta deegaanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Mudug
 

Isniin, Maarso, 18, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgal qorsheysan oo ciidanka dib u xureynta deegaanka ay maanta ka fuliyeen deegaano ku yaala duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalka oo ahaa mid ka dhan ah kooxda Al-shabaab ayaa ciidamadu ka sameeyeen deegaanka lagu magacaabo Galcad jiimo iyo deegaano kale oo ku dhawdhaw.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dib u xureynta deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka maanta uu ahaa mid guuleystay oo ay kaga saareen kooxda Shabaab qaar ka mid deegaanada hoostaga Xarardheere.

Wuxuu sidoo kale sheegay sarkaalka in howlgalada noocaan oo kale ah ay sii wadayaan inta ay Al-shabaab ka saarayaan guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Mudug.

Howlgalkaan ciidanka dib u xureynta deegaanka maanta ka sameeyeen deegaanada hoostaga Xarardheere ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay dib uga soo baxeen deegaano muhiim ah oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.