4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2024
Wasiir Juxa: Akoonadii hay'daha mashaariicda nala fulin jiray waa maran yihiin
 

Isniin, Maarso, 18, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in ay maran yihiin akoonada hay'adaha mashaariicda ka fulin jiray Puntland.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa muujiyay rajo xumo weyn oo ku saabsan helitaanka taageeradii ay Puntland ka heli jiray hay’adaha caalamiga ah.

Juxa wuxuu sheegay dowladda federaalka in ay masuul ka tahay in ay hoos u dhacaan mashaariicdii Puntland ka socon jirtay, isagoo sheegay inay kusoo rogtay  cuqabateyn dhinaca walba leh

“Innagu siyaasad baanu isku haynay, iyagu waxay galiyeen qalinkii iyo daawadii, raashinkii, wixii basic-ga ahaa ee aanu xaqa u lahayn. Marka mashaariicda istaagtay qeyb waxaaa ka ah khilaafka annaga iyo federaalka naga dhaxeeya,” ayuu yiri wasiir Juxa.

Wasiirka arrimaha gudaha wuxuu sheegay, Puntland in ay isku tashanayso oo ay dib boorka uga jafayso kaabayaasheeda dhaqaalaha si ay isugu filnaanto, ugana maaranto taageerada hay'aduhu bixin jireen.