4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2024
Masuuliyiin iyo dad shacab ah oo ku dhaawacmay weerarkii hotel SYL oo loo qaaday dalka Turkiga
 

Axad, Maarso, 17, 2024 (HOL) - Diyaarad nooca Militariga ah oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa goordhaw ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii kooxda Al-shabaab ka geysatay hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada la qaaday ayaa gaaraya 18 ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii hotel SYL ka dhacay laba habeen ka hor, kuwaas oo qaba dhaawacyo culus oo wax looga qaban waayay gudaha dalka.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan ayaa ka sagootiyay dhaawacyadaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo saacadihii ugu danbeeyay mashquul ku ahaa u diyaargaroowga qaadista dhaawacyadaan.

“Maanta waxaa la qaadayaa 18 dhaawac ah iyo dadkii la socday, waxaa la geyanaa isbitaallo ku yaalla magaalada Ankara, iyaga oo nabad ah ayay noo soo laaban doonaan, Insha allah. Dhaawacyada la qaadaayo waa dhammaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Hotel SYL, looma kala saarayo masuuliyiin iyo shacab marka waxaa la qaadayaa wixii qaadis u baahan”ayuu yiri wasiir Cali Xaaji.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladda Turkiga ay u soo gurmato dad waxyeelo kasoo gaartay qaraxyada Ismiidaaminta ah iyo weerarada kooxda Al-shabaab ka geystaan gudaha dalka.

Weerarkii ka dhacay hotel SYL 14-kii bishaan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay sadax  askari, waxaana ku dhaawacmay 27 ruux oo kale oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda.