4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2024
Maxaa ka jira in mid kamid ah shaqaalaha baarlamaanka uu qeyb ka ahaa weerarkii hotel SYL?
 

Axad, Maarso, 17, 2024 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay in mid ka mid ah howlwadeenada baarlamaanku uu ku lug lahaa weerarkii loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof, 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa xaqiijiyay in kaarka aqoonsiga ah ee lagusoo bandhigay baraha internetka, lana sheegay inuu leeyahay mid kamid ah raggii weerarka ka geystay hotel SYL, uu yahay mid been abuur ah, isagoo sheegay in ninkaasi uusan ka tirsaneyn shaqaalaha Baarlamaanka.

Kaarka la helay ayaa waxaa ku qornaa qof lagu magacaabo Liibaan Maxamed Maxamuud oo shaqadiisu ay ahayd farsamo yaqaan katirsanaa  baarlamaanka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa kusoo aadday xilli dareewalkii hore ee guddoomiyihii hore ee baarlamaaanka Soomaaliya, Maxamd Mursal Sheikh Cabdiraxmaan uu ku biiray Alshabaab bishii Diseembar 2022.