4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2024
Soomaaliya oo bilowday ololaha ay ku doonayso inay noqoto guddoomiyaha Midowga Afrika
 

Jimco, Maarso, 1, 2024 (HOL) - Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday olole ay ku dooneyso in wasiirkeedii hore ee arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ay noqoto guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AUC) ee soo socda, taasoo tartan la gali doonta hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, iyadoo lasoo shaqeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan u hayaa jacayl qoto dheer iyo rabitaan xooggan oo ah inaan ka qayb qaato horumarka Afrika," ayay u sheegtay wargeyska the Nation.

"Anigoo u tartamaya guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaan hiigsanayaa inaan xoojiyo xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika oo aan ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa qaarad midaysan oo isku-dhafan." ayay hadalkeeda ku dartay.

Daa'uud Aweis, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa mar sii horeysay tilmaamay in Dowladdu ay taageeri doonto Musharax Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

"Kadib guulo diblumaasiyadeed oo muhiim ah sida qaadista cunaqabateynta hubka, cafinta deymaha, iyo ku biirista EAC, Soomaaliya hadda waxay meel fiican u mareysaa inay kaalin weyn ka qaadato caalamka," ayuu yiri Aweis.

Marka loo eego shuruucda wareegtada ah ee la sameeyay 2018, dalalka dhaca Bariga qaaradda Afrika ayaa ku tartami doona kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Laakiin xeerarka doorashada oo ogolaanaya in tiro badan oo musharraxiin ah ay ka yimaadaan Bariga Afrika, ayaa keeni doonta in tartan adag  loo galo doorashada AUC, sanadka soo socda.