4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2024
Todobo qof oo uu ku jiro taliyihii saldhigga Booliiska Huriwaa oo loo xiray dilkii ganacsade Abuukar Kaabax
 

Jimco, Maarso, 1, 2024 (HOL) - Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Qaasim Axmed Rooble, ayaa shaaciyay in afduubkii iyo dilkii loo geystay Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax in loo xiray 7 qof uu ku jiro taliyihii saldhigga Booliiska degmada Heliwaa.

Afhayeenka Booliisku wuxuu sheegay dowladdu in ay dadaal badan galisay sidii kiiskaas loo heli lahaa dadka ku lugta leh, wuxuuna sheegay in haatan uu baaritaan ku socda dad loosoo qabto.

Afhayeenka wuxuu sheegay in todobada qof, shan kamid ah ay yihiin dad shacab ah. Wuxuu sheegay in dhawaan marka lasoo dhameystiro baaritaanka kiiskaan ay maxkamadda ciidamada u fariisan doonto kiiskan.

Abuukar oo ahaa ganacsade ayaa maydkiisa laga helay degaanka Garasbaaleey. Koox hubaysan oo afduubtay ayaa dilay, ka dibna waxay maydkiisa ku tureen meel qashin ah.

Dilkiisa ayaa qeyb ka ahaa dilal aad u fool xun oo magaalada Muqdisho ka dhacay bishaan Febraayo, kuwaas oo kusoo beegmay xilli Muqdisho ay ka yaaradeen qaraxyadii iyo dilalkii ay geysan jireen Alshabaab.