7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2024
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay tirada Al-shabaab looga dilay weerarkii Ceeldheer
 

Sabti, Juun, 8, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii aroornimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Weerarka oo ahaa mid qaraxyo ku bilaawday oo kooxdu ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin magaalada Ceeldheer ayaa dowladda Fedaraalka guulo la taaban karo ka sheegatay.

Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarka saakay khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay Al-shabaab, islamarkaana tirada hordhaca ah ee looga dilay kooxda ay gaareyso 47 xubnood.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa la sheegay iney qeyb ka ahaayeen weerarka saakay, kuwaas oo deegaanka Cali Yabaal duqeyn kula beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Ceeldheer oo baxsad ahaa.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale warka ku sheegtay in weerarkii saakay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iney uga dhinteen 5 xubnood oo naftooda u huray ka hortaga dhibaatada Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-