7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2024
Madaxweyne Biixi oo kormeeray diyaarado cusub oo Somaliland ay soo iibsatay

Sabti,  May, 8, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Millateriga Nuux Ismaaciil Taani, ayaa kormeeray diyaarado cusub oo ay Somaliland soo iibsatay.

Qoraal ay baahisay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in diyaaradahan lagu tababari doono duuliyayaal ay Somaliland yeelan doonto, kuwaasi oo uu tababari doono Dugsiga Tababarka Duuliyenimada ee Somaliland.

"Madaxweynaha Qaranku waxa uu kormeeray diyaarado cusub oo markii u horaysay uu yeelan doono dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah oo u soo baxa dalka" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalku wuxuu intaa ku daray in xukuumadu ay soo kiraysatay tababarayaal duuliye oo caalami ah kuwaasi oo muddo 2 sanno ah kusoo saari doona duuliyayaal xirfadleh.

Madaxweynaha ayaa sidookale kormeeray Taliska Guud ee Ciidamada Millateriga Somaliland ee magaalada Hargaysa.