7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2024
Xuseen Sheikh Ali: Dhacdadii Cowswayne ka hor madaxda Shabaabku waxay diyaar u ahaayeen inay isisoo dhiibaan
 

Sabti, Juun, 8, 2024 (HOL) - La taliyaha amniga qaranka, Xuseen Sheikh Cali, ayaa sheegay guul darradii ciidanka dowladda kasoo gaartay dagaalkii Cowswayne in ay sabab u noqotay, in madax katirsan Shabaab oo isisoo dhiibi rabay ay helaan fursad ay ku baxsadaan.

La taliyaha amniga  qaranka oo bixinayay wareysi ayaa sheegay, maalmo ka hor dagaalkii Cowswayne in ay dowladda lasoo xiriireen madax katirsan Alshabaab, kuwaas oo uu sheegay inay diyaar u ahaayeen inay dowladda iskusoo dhiibaan.

Xuseen Sheikh Cali wuxuu wareysiga ku sheegay, in wax walba ay isbeddeleen markii uu dhacay dagaalkii Cowswayne, kaas oo ciidamada dowladda ay khasaare weyn kala kulmeen.

“Cowswayne, usbuucyadii ka horraysay macluumaadka aan helaynay wuxuu ahaa, in nimanka waawayn ee Shabaab oo meesha jooga ay dowladda soo wada wacayeen oo ay kala hadlayeen sidii ay iskusoo dhiibi lahaayeen. Nasiib darro, qaladaad militari ayay ahayd waxay dhacay," ayuu yiri.

La taliyaha amniga qaranka waxa uu sheegay in waqtigii Shabaabku dhihi lahaayeen “ibixiya” ay soo dhowdahay. Hase ahaatee wuxuu caddeeyay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo doonaya in Shabaab aan laga adkaanin.

“Waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in haddii Shabaab la wiiqo ay siyaasadooda khatar ku tahay,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka Xuseen Sheikh Cali.