7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2024
Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo ka socda gobolka Galgaduud

Sabti, Juun, 8, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Laandheere oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ka socda deegaanka Laandheere oo 20 KM u jira deegaanka Huurshe ayaa ah mid u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale, kaasoo geystay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaan oo bilawday Salaadi subax kadib waxaa ku geeriyooday ilaa sideed ruux oo laba dhinac ah iyo dhaawaca in ka badan 10 ruux oo ah dhinacyada dirirtu u dhaxeeyso.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana socda dadaalo ay wadaan waxgaradka labada dhinac si ay u joojiyaan dagaalkaan dadka badan ku dhinteen.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaal beeleedka dhiiga badan ku daadanayo ee u dhaxeeya beelaha kasoo kala jeeda Xeraale iyo Caabudwaaq oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

Ugu dambeyntii deegaanada maamulka Galmudug waxaa inta badan ka dhaca oo ku soo laab laabta dagaal beeleedyada khasaara lixaadka leh dhaliya oo aanan laga gaarin mar waliba xal rasmi ah oo looga hortagayo dagaal beeleedyada.