7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2024
Dowladda oo faahfaahin hordhac ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay Ceeldheer
 

Sabti, Juun, 8, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa la sheegay in saakay jab xooggan gaarsiiyeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo aroortii hore ee saakay weerar qaraxyo ku bilaawday kula jarmaaday degmada Ceeldheer.

War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay kasii war hayeen weerarka kooxda Al-shabaab, taasina ay keentay in khasaare xoog leh la gaarsiiyo kooxda.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarkii saakay kooxdu ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud in looga dilay 16 ka mid ahaa xubnii weerarka soo qaaday ee Al-shabaab.

"Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbaahinta Ciidamadda u sheegay in khawaarijta laga dilay in kabadan 16 dhagarqabe islamarkaasna uu socdo tirakoobka qasaaraha khawaarijta ay gaarsiiyeen" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.

Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkaas ay cagta ku mariyeen fariisimaha ciidanka dowladda, islamarkaana ay ku dileen askar badan, walow aysan sheegin inta ay gaareyso tirada askarta ay weerarka ku dileen.

Gobolka Galgaduud waxaa inta badan ka dhaca weerarada qaraxyada ku bilaawda oo ay kooxdu ku qaado fariisimaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanadii horay looga xureeyay gacanta kooxda Al-shabaab.