7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2024
Muumin Cabdi Shire : Dowladda federaalka waxay dhaqaale ku bixisay in ammaanka Puntland la qalqal galiyo
 

Jimco, Juun, 7, 2024 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliiska maamulka Puntland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay lacago badan ku bixinayso qalqal galinta ammaanka Puntland.

Taliye Muumin ayaa sheegay, in dhawaan shirar ka dhacay magaalada Muqdisho lagu go’aamiyay in lacago lagu bixiyo sidii ammaanka Puntland loo qalqalgalin lahaa.

“Waxyaalaha dareenka leh waxaa kamid ah, in ciidamo lacag la siinayo, maleyshiyaad lagu abuuro Puntland, ka bacdina ay qalalaase ka geystaan Puntland,” ayuu yiri taliye Muumin oo la hadlayay idaacadda maxaliga ah ee Daljir.

Gaashaanle sare Muumin waxa uu sheegay in aysan ahayn wax qarsoon in dowladda federaalku ay dhaqaale ku bixinayso qalqal galinta amniga Puntland.

Hadalka taliyaha ciidanka Booliiska Puntland ayaa yimid, iyadoo Puntland ay bilowday howlgal loogu magac daray xasilinta caasmadda, kaasoo ciidanku ku bartilmaameedsanayaan dadka qoryaha haysta.

Howlgalkan ayay ciidanku ku dileen labo qof oo mid uu shacab yahay, mid kalena askari yahay.