7/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2024
Xiisad u dhaxeysa Puntland iyo SSC- Khaatumo oo ka taagan gobolka Sool
 

Jimco, Juun, 7, 2024 (HOL) - Wararka nagasoo gaaraya tuulada Buurawadal oo ku dhawaad 30km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Garowe, balse katirsan gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhaxeysa ciidamo ka kala tirsan maamulka Puntland iyo kuwa SSC Khaatumo.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa kastam canshuuraha lagu aruriyo oo ay Puntland ka hirgalisay degaanka Buurawadal iyo degaano kale oo hoos yimaada gobolka Sool, taasoo ay ka horyimaadaan ciidamo katirsan maamulka SSC Khaatumo.

Maalmo ka hor wafdi uu hoggaaminayay xisaabiyaha wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobolka Sool, ayaa booqday degaanka Buurawadal, iyagoo sheegay in la dardar galinayo ururinta canshuuraha gobolka Sool.

Socdaalka wafdigaas iyo kastamka laga furay Buurawal ayaa xiisad ka dhex abuuray labada dhinaca, iyadoo dad siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda gobolka Sool ay cambaareeyeen tallaabadaas, iyagoo sheegay in maamulka Puntland uu faragalin ku hayo degaanada SSC- Khaatumo.

Weli ma jirto cid katirsan SSC Khaatumo iyo Puntland oo ka hadlay arrimahan.