7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2024
Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ugu hambalyeysay kursiga golaha amniga

Jimco, Juun, 7, 2024 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay xubinimada Soomaaliya ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026.

“Soomaaliya waxay soo martay waddo dheer soddonkii sano ee la soo dhaafay iyadoo ku socotay waddadii nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada kursi ka mid ah golaha ammaanka waa aqoonsiga horumarkaas la mahadiyo,” ayuu yiri ku-simaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

"Waaya-aragnimada Soomaaliya waxay ka dhigaysaa meel gaar ah si ay gacan uga geysato wadatashiyada Golaha ee nabadda iyo amniga caalamiga ah," ayuu raaciyay.

Soomaaliya waxaa ugu dambeysay xubin ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1970-1972.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh ayaa sheegay kamid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, inay markhaati ka tahay dib u soo kabashada dalka.