7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2024
Faysal Cali Waraabe oo ka digay in la hagardaameeyo geedi socodka doorashooyinka Somaliland
 

Khamiis, Juun, 6, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumada Somaliland iyo koomiishanka doorashooyinka uga digay waxkasta oo doorashooyinka hargardaamayn kara.

Guddoomiyaha oo ka hadlay qalab cusub oo dhawaan la sheegay in ay suuragaltahay in lagu galo doorashooyinka, ayaa sheegay in qalabkaasi uu doorashada dib u dhigi karo, isaga oo digniin u diray madaxwaynaha.

"13 November haday doorasho qabsoomiwaydo 13 December kursigaasi wuu banaanaanayaa oo shirkii Boorama 2 ayaanu qabanaynaa, ama doorasho ayaad ku bixi doontaa ama codka shacabka ayaad ku bixi doontaa" ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.

Waxa uu sheegay in Somaliland anay doorasho ku gali karin qalab cusub sida uu Wasiir Buuni dhawaan sheegay, waxa uu koomiishanka doorashooyinka ku eedeeyay in ay xukuumada isla ogaayeen qalabka uu wasiirku sheegay lakiin markii sirtooda la ogaaday ay cadhoodeen.

"Waar ciyaalkiinaasi waxa aad wad wadaan looma baahna, waxa aynu haysano ayaynu ku galaynaa, Wasiir Buuni wuu mahadsanyahay waayo wax uu u soo sheegay ayuu leeyahay maxaad u sheegaysa ee aad noo sheegtay" ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.

Ugu danbayn, Waxa uu ku eedeeyay xisbiyada Kulmiye iyo Waddani in ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka ay Somaliland wajahayso, isla markaana ay qaybsanayaan isaga oo sheegay in madaxda labada dhinacba ay Kulmiye soo wada ahaayeen.