7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2024
Dhuusamareeb oo lagu toogtay rag horay u dilay Dhaqtar iyo Macalin Dugsi Quraan Walaalo ahaa
 

Khamiis, Juun, 6, 2024 (HOL) - Maxkamada gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay sadax nin oo lagu helay iney ka dambeeyeen dil horay loogu geystay Dhaqtar iyo Macalin Dugsi Quraan oo walaalo ahaa.

Sadaxdaan nin ee maanta la toogtay ayaa lagu magacaabaa Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullahi Xasan.

Ragaan ayaa deegaanka Ilix oo ka tirsan deegaanada hoostaga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud si bareer ah ugu dilay Axmed Xasan Cismaan oo ahaa Dhaqtar iyo Macalin Liibaan Xasan Cismaan oo labaduba walaalo ahaa.

Goobta lagu toogtay sadaxdaan nin waxaa usoo daawasho tagay qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug iyo qaar ka mid ah helada labada dhinac.

Toogashada ragaan maanta lagu fuliyay waxaa si weyn usoo dhaweeyay dadka ku nool gobolka Galgaduud oo ka mid ah gobolada ugu badan oo ay ka dhacaan dilalka salka ku haaya aanooyinka qabiil.

Maxkamada gobolka Galgaduud ayaa horay u fulisay xukuno kala duwan oo dil ah oo ay ku fulisay dad badan oo lagu helay iney geysteen dilal bareer ahaa, waxaana toogashada inteeda badan Maxkamadu ka gulisay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.