7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2024
Soomaaliya oo maanta lagu wado in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka
 

Khamiis, Juun, 6, 2024 (HOL) - Soomaaliya, Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaaa in maanta oo khamiis ah ay helaan kuraasta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib codeyn qarsoodi ah oo ka dhacaysa shirka Golaha loo dhan yahay.

193-ka xubnood ee caalamka ayaa lagu wadaa in ay u codeeyaan in ay doortaan shan waddan oo golaha Ammanka ku jiridoona muddo labo sano ah.

Shantan xubnood waxay ku biiri doonaan shanta xubnood ee joogtada ah ee codka diidmada qayaxan ku leh Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Boqortooyada Ingiriiska iyo Faransiiska iyo shanta waddan ee la doortay sannadkii hore Algeria, Guyana, South Korea, Sierra Leone iyo Slovenia.

Golaha Ammaanka ayaa u xilsaaran ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.

Shanta waddan ee la filayo in ay ku guulaystaan kuraasta Golaha Ammaanka maanta oo Khamiista ah, ayaa hore uga soo mid noqday Golaha Ammaanka Pakistan todoba jeer, Panama shan jeer, Denmark afar jeer, Giriigga laba jeer iyo Soomaaliya oo hal mar ah.