7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2024
Kuuriyada Koonfureed oo balan qaad muhiim ah u sameeysay Soomaaliya
 

Khamiis, Juun, 6, 2024 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah kula qaatay magaalada Seol ee Caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed dhigiisa dalkaas Han Duck-soo.

Raysal wasaarayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfiureed ayaa kulankooda kaga wadahadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Labada Raysal wasaare ayaa isla meel dhigay muhiimada ay leedahay in labada dal ay wadaagaan iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.

"Ra’iisul Wasaaraha Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo ayaa dhankiisa balan qaaday in dalkiisu uu gacan ka siin doono Soomaaliya horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Rasyal wasaare Xamse.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayay ay magaalada Seol labadii maalin ee lasoo dhaafay ay uga qeyb galeen shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika, kaasoo Soomaaliya ay la tagtay qorsheyaal cad oo qeyb ka qaadanaya horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, islamarkaana ay gacan ka geysan doonto dowladda Kuuriyada Koonfureed.