7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2024
Ciidanka PSF oo ka jawaabay eedayntii taliyaha ciidanka booliiska Puntland

Khamiis, Juun, 6, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka PSF ayaa iska fogeeyay eedayn uga timid taliyaha ciidanka Booliiska Putland, gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, kaasoo ku eedeeyay inay weerareen saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Falkaas oo ka dhashay dhaawaca labo askari ayay PSF sheegtay inay  xireen askartii falkaas geystay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ciidanka PSF ayaa lagu sheegay in aysan bixin amarka falkii ka dhacay magaalada Boosaaso, iyagoo sheegay in xubno kamid ah ciidankooda oo laga xirtay dad qaraabadooda ah ay falkaas geysteen.

PSF waxay sheegtay in taliyaha ciidanka Booliiska uu eedaynta ciidanka PSF ku qarinayo afduub ay sheegeen in ciidanka booliiska ay magaalada Garowe ugu geysteen afhayeenkii ciidanka PSF, Maxamuud Jamaal Dooxo.

Waxay ugu baaqeen taliyaha ciidanka booliisku inuu si degdeg ah kusoo sii daayo afhayeenka ciidankooda.