7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2024
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun adag ku riday xubin ka tirsanaa Al-shabaab
 

Arbaco, Juun, 5, 2024 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday Maxamuud Maxamed Macalin oo lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Maxamuud Maxamed Macalin oo loo yaqaano Karaama ayaa Maxkamadda ciidamada ku xukuntay 8 sano oo xabsi ciidan ah, kaasoo ay sheegtay Maxkamadu inuu kooxda Al-shabaab u qaabilsana uruurinta lagcagaha baadda ah oo ay ka qaado reer Muqdisho.

"Eedeysane Maxamuud, ayaa argagixisada u aruurin jiray lacagaha baadda ah, isaggoo Khawaarijta u gudbin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, si loo handado goobahaasi ganacsi, loogana qaado lacago baad ah. Sidoo kale waxa uu Khawaarijta u gudbin jiray Qiyaasta qiimaha hantida taalla goobta ganacsi ee xogtooda uu gudbinayo, Numberka iyo Dukaanka magaciisa" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Maxamuud Karaama ayaa Maxkamaddu cadeysay in kooxda uu mushaar ahaan uga qaadan jiray sadaxdii biloodba mar lacag dhan $200 oo doolar, waxaana ciidamada amniga ay gacanta kusoo dhigeen ninkaan bishii janaayo ee sanadkaan 2024.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Maxkamadda gobolka Banaadir ay xukun toddoba sano ah ku riday oday 70 jir ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 3,000 oo doolar, kaasoo lagu helay in koonkiisa uu Al-shabaab ugu wareejiyay lacag dhan Nus Milyan doolar ah.