7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2024
Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo digniin u diray xukuumada iyo xisbiga Kulmiye
 

Arbaco,  May, 5, 2024 (HOL) - Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xukuumada iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye ku eedeeyay in ay forogalin sharci daro ah ku hayaan shaqooyinka koomiishanka.

Guddoomiyaha Koomiishanka Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf, oo ay hareero fadhiyaan xubnaha kale ee koomiishanka, ayaa xukuumada iyo xisbigeeda uga digay faragalin uu sheegay in ay ku hayso doorashooyinka.

"Koomiishanka doorashoooyinka qaranku waxa uu digniin u dirayaa xukuumada iyo xisbiga Kulmiye, oo caadaystay in ay uga hadlaan arrimaha doorashooyinka si siyaasadaysan, oo baalmarsan qawaaniinta iyo shuruucda doorashooyinka" ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxa uu sheegay in xukuumadu ay xad gudub u gaysatay hawlaha iyo masuuliyada koomiishanka, isla markaana waxa uu xusay in hawl anay shaqo ku lahayn ay ka dhigteen wax ay ku ololleeyaan, isaga oo u digay wasiiro aanu carabaabin.

Waxa uu u soo jeediyay dhamaan daneeyayaasha dooraahooyinka in ay u hoggaansamaan shuruucda doorashooyinka, isaga oo ku goodiyay in ay talaabo sharci ka qaadi doonaan cidii ku xadgudubta madaxbannaanida koomiishanka.

Xisbiga Waddani ayaa isaguna dhankiisa xukuumada ku eedeeyay in ay rabto in ay keento qalab cusub oo casri ah oo la sheegay in doorashada lagu galayo, kaasi oo uu xisbigu sheegay in aan wakhtigan la isticmaali karin wakhtiga hadhay oo yar awgii.