7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2024
Kenya oo shaacisay inay hoos u dhaceen weerarrada Alshabaab ee dalkeeda
 

Arbaco, Juun, 5, 2024 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in weerarrada argagixisanimada ee dalkeeda ka dhaca ay hoos u dhaceen 6.5%, marka loo barbar dhigo sanadihii 2022 ilaa 2023.

Kenya ayaa sheegtay in Laamaha ammaanka ay sidoo kale xireen 59 qof oo ku howlanaa falal argagixisanimo.

Warbixinta waxay  tilmaamaysaa in Mandheera, Lamu, Gaarisa iyo Wajeer ay yihiin Deegaano ay inta badan saamaysay argagixisanimada, balse ay hoos u dhaceen, ka dib markii Kenya ay labo jibbaartay howlaha amniga.

“Gobolladan ayaa ah kuwo ay u nugul yihiin argagixisada sababtoo ah waxay xuduud la leeyihiin Soomaaliya, halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab,” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Kenya.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in ay xarumo ka sameysay gobolka Waqooyi-bari iyo Lamu si ay u wiiqaan haraadiga Alshabaab ee ku dhuumaaleysanaya Keymaha Boni iyo degaannada kale ee fog fog oo ay ku jiraan xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.