7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2024
Ciidamada dowladda oo ka baxay deegaanka Xawaadleey iyo Al-shabaab oo kaabiga ku haysa

Arbaco, Juun, 5, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay soo buux dhaafiyeen tuuloyinka hoostaga deegaanka Xawaadleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugnaa Xawaadleey iney isaga baxeen gudaha deegaankaas, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamadu ay soo baneeyaan Xawaadleey.

Deegaanka Xawaadleey ayaa ka mid ah deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee sanadkii hore laga xureeyay Al-shabaab, waxaana haatan markale muuqata dhaqdhaqaaqyo ay kooxdu ku dooneyso iney ku qabsato deegaankaas oo muhiim ah.

Tuulooyinka saacadahii lasoo dhaafay lagu arkay Kooxda oo ay dhaqdhaqaaqyada xoogan ka bilaaween waxaa ka mid tuulooyinka kala ah Shanlow, Dhagaxow iyo Farbaraki oo dhamaan ku yaala nawaaxiga Xawaadleey.

Dadka ku nool deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka cabsi qaba dhaqdhaqaayadaan u dhaxeeya kooxda Shabaab iyo ciidamada dowladda oo sababi kara in lagu dul dagaalamo.