7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2024
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo kulan kula qaatay Muqdisho ku simaha Safaaradda Shiinaha
 

Talaado, Juun, 4, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah golahiisa wasiirrada ayaa kulan la qaatay ku simaha Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya  Amb. CHEN WENDI iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaarada.

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa looga hadlay sidii dowladda Shiinaha ay uga qeyb qaadan laheyd wax ka qabashada arrimaha horumarinta iyo dhinaca gargaarka bani'aadanimo ee ka jira deegaanada maamulka SSC Khaatumo.

Kulankaan ayaa qeyb ka noqonaya kulamo uu hoggaamiyuhu magaalada Muqdisho kula qaadan doono madax ka tirsan dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka inta uu ku gudo jiro safarka shaqo ee uu ku joogo Caasimadda Soomaaliya.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa xusay in dowladda Shiinaha ay tahay dawladdii ugu horraysay ee deeq soo gaarsiisa reer SSC Khaatumo, xili ay wajahayeen xaalado adag oo ka dhashay dagaalkii mudada dheera ka socday magaalada Laascaanood.

Ku simaha Safiirka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhankiisa ballan qaaday in ka dowlad ahaan ay sii wada doonaan taageerada dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada SSC Khaatumo.

Gabagabdii hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee Khaatumo ayaa ka mahadceliyay sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyay xarunta Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho.