7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2024
Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida oo qabtay shakabad tahriibisa dhallinyarada
 

Arbaco, Juun, 26, 2024 (HOL) - Ciidanka Booliiska dowlad goboleedka Puntland iyo Ciidanka Booliska Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa iska kaashaday gacanta ku dhigidda shakabad ka shaqeysa tahriibinta dhallinyarada.

Shakabadan ayaa la qabtay iyagoo waday koox dhallinyaro ah oo laga tahriibiyay deegaanada Puntland, loona waday in Magafe loo gacan galiyo, kuwaas oo lagu qabtay degmada Qabri Dahar ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

War saxaafadeed kasoo baxay Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay, in hay’adda danbi-baarista CID ee gobolka Nugaal ay waddo how-galo lagu baadi goobayo shabakado ka shaqeeya tahriibinta dhallinyarada oo ku sugan magaalooyinka Puntland.

Qabashada shakabadan ayaa kusoo beegantay, iyadoo deegaanada Puntland laga dareemayo tahriibka dhallinyarada ka yar da'da 20-ka sano. Lama hubo sababaha ka dambeeya, hase ahaatee shaqo la’aanta dhallinyarada ayaa loo aanaynayaa inay qeyb ka tahay in dhallinyarada ay fursado nolol u raadsadaan qurbaha.

Dhawaan, ku dhawaad 50 muhaajiriin ah oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku geeriyooday xeebaha Yemen, kaddib markii ay la degtay doon ay la socdeen.

Waa kuwaan magacyada shabakada la qabtay

1, Maxamed Maxamuud Muuse

2, Yuusuf Cabdi Ciise

3, Raxma Jaamac Maxamed

4 Caasha Maxamed Maxamuud

5, Saamiya Yaasiin Maxamuud

6: Cabdi Risaaq Geelle Maxamed

7: Farxaan Maxamed Barre

8: Ladaned Cali Cabdullaahi