7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 26, 2024
Madaxweyne Biixi oo sheegay in doorashada lagu gali doono qalab ay mucaaradku diidanyihiin
 

Arbaco,  Juun, 26, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in doorashada lagu gali doono nidaamka sawirista bu'da isha, oo ay mucaaradku diidanyihiin.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasibada 26 Juun ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegay in qalabka sawirka wiilka isha loo adeegsan doono doorashada.

"Doorashada in lagu galo sawirka isha bu’deeda, waa ta kali ah ee aynu ku kala badbaadayno, ciddii diiddanna iyada cirka roob ku og, hawshaasi annaga fulinayna lacagtiina waanu haynaa" ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Qalabkan ayaa guddida doorashooyinka ka caawinaya in dadwaynuhu anay codayn hal mar wax ka badan, codeeyayaasha ayaa mara sawirka indhaha xiliga diwaangalinta, waxayna doorashada markale ku gali doonaan sawirka isha.

Hadaba, mucaaradka ayaa walaac ka qaba in diyaarinta qalabkani ay horseedi karto in doorashadu dib u dhacdo.