7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2024
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay tirada ciidamada badali doona howlgalka ATMIS

Axad, Juun, 23, 2024 (HOL) - Lataliyaha amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa shaaca ka qaaday in howlgal sadaxaad ay yeelaneyso Soomaaliya.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in howlgalka ATMIS kadib uu dalka yeelan doono howlgal kale oo mudo kooban joogi doona gudaha dalka, kuwaas oo lala qaadanayo ciidan Soomaaliyeed oo iyaga badali doona.

“ATMIS waxaa badalaya ciidan tira yar oo Africa ka socda, dowlada Soomaaliya ayaa go’aan ka gaaraysa wadamada ka mid noqonaya ciidankaas oo tiro ahaan loo qorsheeyay ilaa 12 kun” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin.

Lataliyaha ayaa sidoo kale sheegay in  ciidamadaan 10 kun ka mid ah ay buuxinayaan howlaha ay qabtaan kuwa ATMIS ee ka bixi doona dalka dhamaadka sanadkaan, halka 2 kun ee kalana ay qaban doonaan waxyaabo yar.

Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ciidanka ATMIS gabi ahaan dalka ka baxayaan dhamaadka sanadkaan waxaa soo kordhaayay walaaca dalalka afrika ay ka muujinayeen go'aanka ATMIS uga baxeyso Soomaaliya, iyagoona tilmaamay in hadii howlgalka ATMIS Soomaaliya laga saaro Al-shabaab la wareegi doonaan dalka.