7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2024
Dowladda Soomaliya iyo QM oo ku jira wada hadalo ku saabsan xiritaanka xafiiska UNSOM
 

Axad, Juun, 23, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa wadahadalo kula jirta Qaramada Midoobay,  si looga gudbo howlgalka gaarka ah ee siyaasadda loona gudbo qaab-dhismeedka kooxda QM.

Wada hadallada waxaa yeeshay Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaas u xilsaartay iyo guddi farsamo oo ka socda UNSOM. Wada xaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Dowladdu waxay sheegtay in howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay ay qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona, kaas oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Guddiga farsamo ee Soomaaliya waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf Garaad Cumar, dhinaca UNSOM waxaa hoggaaminayay ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay, in tallaabadani ay astaan u tahay horumarka ay gaartay, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliya xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka.