7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2024
Masar oo shatiyadii kala noqoday 15 shirkadood oo lagu eedeeyay inay masuul ka yihiin geerida 530 Xujey ah
 

Axad, Juun, 23, 2024 (HOL) - Masar ayaa kala noqotay shatiyada shaqo ee 16 shirkadood oo kuwa dalxiiska iyo xujeyda, waxayna u gudbisay dacwad oogaha guud, iyadoo ku eedeysay inay mas'uul ka yihiin dhimashada xujeyda Masaarida ee Mecca.

Ilaha caafimaadka iyo kuwa ammaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 530 Masaari ah ay ku dhinteen sanadkan gudashada waajibaadka xajka ee Maka.

Shirkadaha dalxiiska ee u fududeeyay dadka dhintay ayaan bixin wax adeeg ah oo ay ka mid yihiin caafimaadka, iyadoo aan la magacaabin shirkadaha ku lugta leh.

Hay’adahan ayaa lagu eedeeyay inay xujayda u diraan Sucuudiga fiisaha booqasho shakhsi ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen fiisaha xajka ee u oggolaanaya gelitaanka Maka oo ay ka dhacayaan cibaadada xajka.

Adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan mas’uuliyiinta Sacuudiga si ay uga baxaan dhibaatooyinka xajka ayaan la siin dadka ku safraya fiisaha shaqsiga ah. Xujayda dhintay ayaa ku qasbanaaday inay maraan saxaraha si ay uga fogaadaan in la xiro ama la tarxiilo.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa sidoo kale sheegay in wakaaladaha socdaalku aysan xujayda siinin guri ku haboon”, iyaga oo intaa ku daray in taasi ay keentay in xujayda ay daalaan iyagoo u adkaysan waayay heer kulka.

Inta badan dadka dhintay ayaa ahaa kuwa aan diiwaan gashaneyn, ayaa lagu yiri bayaanka.