7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2024
Itoobiya oo sheegtay in ay Somaliland aqoonsanayso
 

Axad, Juun, 16, 2024 (HOL) - Wasiiru-duulaha Hawlaha Guud ee Itoobiya Tarekegn Bulbulta ayaa sheegay in Itoobiya ay aqoonsandoonto Somaliland.

Bulbulta waxa uu sheegay in uu kalsooni ku qabo in Itoobiya ay Somaliland aqoonsan doonto "Waxaan kalsooni ku qabaa in Itoobiya ay noqonayso waddanka ugu horeeya ee Somaliland u aqoonsada waddan madaxbannaan" ayuu ku sheegay bartiisa X.

Bulbulta waxa uu sheegay in kadib marka la gaadho heshiis rasmi ah ay Somaliland iyo Itoobiya noqon doonaan xulufo dhaqaale iyo millateri.

Sannadkan horaantiisii ayay Somaliland iyo Itoobiya yeesheen isfahan ku salaysan in Itoobiya ay saldhig millateri ku yeelato biyaha Somaliland isla markaana ay Somaliland u aqoonsato waddan madaxbannaan.

Isfahankan oo la rajaynayo in heshiis rasmiya loo badalo dhawaan, ayaa waxa si wayn uga soo horjeedsatay dowlada Soomaaliya, sidookale urur dowladeedyada gobolka ayaa cambaareeyay.