7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2024
Dowladda Fedaraalka oo amartay in 10 cisho gudahood Meydadka looga saaro Qabuuraha Iskuul Buluusiya
 

Talaado, Juun, 11, 2024 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si rasmi u shaacisay iney u baahantay dhulka qabuuraha Iskuul Buluusiya ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Culumaa'udiin oo tagay dhulka Qabuuraha Iskuul Buliisiya ayaa ku baaqay in deg deg qabuuraha laga saaro dadka ku aasan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo qabuuraha kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhulka qabuuraha ah uu ahaa dhul ay dowladu leedahay, islamarkaana haatan laga dhigi rabo xarunta taliska ciidamada Badda iyo Xeebaha Soomaaliya.

“Dhulka dowladdu u baahatay waxuu ka soo bilaabanayaa albaabka laga galo garoonka diyaaradaha Marino Gate illaa isbitaalka Yerdemeli waxaana uu markii horeba ahaa dhul dan guud ah oo ay dowladu leedahay, haatana ay baahi badan u qabto dowladu, waxaana laga dhisi doona takiska ciidanka Badda iyo Xeebaha Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamee Nuur.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa dhankooda warbaahinta u sheegay in qoysaska eheladooda ku aasan yihiin qabuurahaas ka gacan sii doonaan sidii ay ula bixi lahaayeen mudo ku siman 10 cisho.

Culimada halkaas ka hadashay oo ay ka mid ahayeen Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa dhankooda sheegay in diiniyan markii ay dhinacyo badan ka eegeen talaabada dowladda ku dalbaneyso dhulkaas qabuuraha in laga saaro meydadka ku aasan ineysan waxba dhimeyn.

Ugu dambeyntii bilowgii bishi May ee sanadkan ayay aheyd markii ay soo ifbaxday in dowladu ay u baahan tahay dhulka qabuuraha Iskuul Buluusiya meydadkana laga saarayo, waxaana xilligaas laga saaray qabuuraha meydka Allaha u naxariistee Cabdi Muriidi Ajakis oo ay carruurtiisa meel kale ku aaseen, hase yeeshee xiligaas dowladu way beenisay iney amartay in meydadka laga saaro dhulkaas.