7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 11, 2024
Meydadka xubno ka tirsan Al-shabaab oo laga helay nawaaxiga degmada Ceeldheer
 

Talaado, Juun, 11, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka waday deegaanada hoostaga magaalada Ceeldheer ayaa soo bandhigay meydadka xubno hor leh oo ka tirsan Shabaabkii weeraray Sabtigii Ceeldheer.

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaabkii weeraray Sabtigii degmada Ceeldheer in laga helay nawaaxiga degmadaas.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya ay nolosha kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab, kadib howlgalo saacado badan qaatay oo ciidamadu ka sameeyeen nawaaxiga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ugu dambeyntii dagaalkii ka dhacay magaalada Ceeldheer Sabtigii lasoo dhaafay ayay dowladu sheegtay iney ku dishay 47 xubnood oo ka tirsanaa kooxdii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Ceeldheer, islamarkaana dhanka dowladda ay ka dhinteen 5 askari.