7/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 10, 2024
Xisbiga Waddani oo Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamay danbiile ay tahay in lala xisaabtamo
 

Isniin,  Juun, 10, 2024 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa Madaxweyne Biixi ku tilmaamay danbiile ay tahay in lala xisaabtamo.

Madal ay madaxda xisbigu kula kulmeen qaar kamid ah taageerayaasha ayuu Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, ka sheegay in uu Biixi yahay danbiile.

"Hebeenkan caawa ah cid danbiile ah oo in lala xisaabtamo u baahan Muuse ayaa kow ka ah, wixii dalka ka dhacay iyo duruufta uu ku suganyahay adiga ayay tahay in lagaala xisaabtamo" ayuu yidhi Xirsi.

Waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu ka baxay heshiiskii odayaasha bariga Burco fududeeyeen ee lagu saamaxay Jabhadii Buurtagacanlibaax, si uu iskaha horkeeno bulshada Somaliland oo anay doorasho u dhicin.

"Waxaanu ku leenahay dadku wuu ku arkaaye doorasha laga sugayaa, waxaa aad ka sheekaynaysaana meesha maanta ma yaalaan, cid danbi leh anagu iska hortaagi mayno lakiin wixii ay dadka masuuliyiinta ahi ku heshiiyaan waa in ay dhawraan" ayuu yidhi Xirsi.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo isna goobta ka hadlay ayaa isagu sheegay in madaxweynuhu uu saaxiibkii yahay qudbadiisana aan laga jawaabin, isaga oo sheegay in uu ka shaqayn doono walaalaynta bulshada Somaliland hadii uu guulaysto.

Madaxweyne Biixi ayaa shalay sheegay in cadaalada la horgayn doono xubnihii Jabhada Gacanlibaax ee weerarka ku dilay askarta booliiska ah kuwaasi oo xukuumadiisu ay hore u cafisay.