7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta safar shaqo ku tagay dalka Eretariya
 

Isniin, Luulyo, 8, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eretariya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn kadib waxaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada dalka Eretariya, waxaana lagu wadaa in halkaas labada Madaxweyne ku yeelan doonaan kulamo ay kaga wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo muhiim u ah iskaashiga labada dowladood.

Madaxtooyada Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin ujeedka safarka uu maanta ku tagay madaxweynaha Soomaaliya dalkaasi Eretariya.

Tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dalka Eretariya safar ku tagay dhowr jeer, waxaana dalkaas ku sugan ciidamo tababar ku qaadanaya mudo dhowr sano, inkasto labada dufcadood oo ka mid ahaa ciidankaas dalka dib loogu soo celiyay.