7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2024
Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay howlgal ka socda Xaafada Dab damiska ee maagalada Muqdisho
 

Isniin, Luulyo, 8, 2024 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal aroornimadii hore ee maanta ciidamada ku qaadeen Xaafadda Dab damiska ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in qoysaskii ugu badnaa ee degana Xaafada Dab damiska iney isaga guureen halkaas, islamarkaana kuwa haray ay ka gacan siinayaan guuristooda.

Afhayeen Cabdifataax ayaa tilmaamay in mudadii loo qabtay shacabka deganaa Dab damiska ay ku ekeyd maanta, isagoona xusay in dhulkan dowladda ka dhisi doonto xaruntii Qaranka ee Dab damiska.

“Dadkii degnaa dab damiska way guureen inta harteyna booliska ayaa gacan siinaya, tirakoob uu sameyay booliska waxaa gubatey 147 goobood oo isugu jiro meelo yar yar iyo meelo waa wayn oo ay ku baaba'day hanti Soomaaliyeed oo ay lahayd dad Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa ugu baaqay warbaahinta iney ka shaqeeyaan wax walba oo ay ugu horeeyaan wanaaga iyo horumarka dalka.

“Saxaafadda waxaan leenahay Dab damisku bulshadii daganeyd iyo boolisku ay wada shaqeeyeen wuu dhamaaday dhismihiina waa la bilabaayaa ee ka shaqeeya wanaagga” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Cabdifataax Aadan.

Hadalkaan kasoo yeeray Booliiska Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali ay isa soo tareyso cabashada kasoo yeereysa qaar ka mid ah dadkii dagana Dab damiska, kuwaas oo sheegaya ineysan garaneyn meel kale oo ay dagaan, islamarkaana dowladda ka dalbanaya iney u dhaafto Dab damiska.