7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2024
Ciidanka dowladda oo burburin ku bilaabay Xaafada Dab damiska ee degmada Wadajir
 

Isniin, Luulyo, 8, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee Saakay ku jarmaaday Xaafada Dab damiska ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka wadaan fulinta amar dhulkaan looga saarayo dadka dagan.

Ciidamada ayaa lasoo warinaya in halkaasi ka bilaabeen burburinta gurayaha ku yaala Xaafada Dab damiska oo ay u adeegsan hayaan gawaarida guryaha burburisa, waxaana sidoo kale jira qoysas badan oo halkaasi isaha barakacaya.

Waxaa xiran dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee u dhow Xaafada Dab Damiska, waxaana jirto in meelaha qaar dadka xata loo diiday iney maraan ama u dhawaadaan iyaga oo lugeynaya.

Qaar ka mid ah dadka degan xaafadaasi ayaa talaabadaan burburinta ah ay kula jarmaadeen ciidanka dowladda ku tilmaamay wax laga xumaado, iyagoona ku hanjabay ineysan ka tagi doonin dhulkaan ay ku haysato dowladda.

"Waxaa guriga ii joogo maato oo aanan qaadan karin meel aan aadno garan maayo, habeenimo ayaa guryaha naloo soo galay waxaan ilaahey ka baryaya kuwa in barakicinaya inuu ilaahey barakiciyo oo soda ay inoo arkeen ilaahey u arko" ayay tiri mid ka mid ah Hooyooyinka degan Xaafada Dab damiska.

Talaabadaan ay saakay qaadeen ciidanka dowladda ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo mudo dheer ay soo taagneyd qorshaha dowladda ay ku dooneyso in dhulkaas ay ka rarto dadka dagana, maadama ay dowladu u baahan tahay.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.