7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2024
Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo
 

Isniin, Luulyo, 8, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah ay ka jirto, halkaas oo sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed.

Deganaashada lasoo warinayo ayaa qudheedu aheyn mid caga badan ku taagan, maadama ay wali is horfadhiyaan ciidamada labada maleeshiyo beeleed ee dirirtu u dhaxeyso.

Dagaalka u dhaxeeya labadaan beelood ee sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 20 ruux oo labada dhinac ah iyo dad shacab ah oo rasaastu guryahooda ugu tagtay.

Wali waxaa jirta cabsi laga qabo in mar kale dib u dagaalamaan labada maleeshiyo beeleed ee halkaasi ku dagaallamaya oo taageero ka kala helaya ciidamo ka tirsan dowladda Fedaraalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan degmadaas.

Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa ku guuldareestay in xal u helaan joojinta dagaalka ka socda degmada Luuq, marka laga soo tago baaqyo nabadeed oo ay u direen labada beeleed iyo waxgaradka degmada oo ku aadanaa in la joojiyo dagaalka.