7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2024
Xubno katirsan ururka Daacish oo iskusoo dhiibay ciidamada Puntland
 

Isniin, Luulyo, 8, 2024 (HOL) - Labo xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish ayaa iskusoo dhiibay ciidamada Daraawiishta ee Puntland ee ku sugan deegaanka Balidhidhin ee gobolka Bari.

Labadan xubnood oo watay hubkoodii iyo dareeskoodii ciidan, ayaa wareysi kooban oo lala yeeshay waxay sheegay in loo tababarayay sidii ay dagaal ula gali lahaayeen kooxda Alshabaab.

Waxay sheegeen in aysan ku qancin afkaarta kooxda Daacish. Waxay tilmaameen in ay marar kala duwan isku dayeen inay kasoo goostaan Daacish, balse aysan u suurto galin.

Waxay sheegeen inay saddex cishe jidka kusoo jireen, ayna ku faraxsan yihiin in lasoo dhoweeyay, oo ay la shaqeyn doonaan ciidamada  Puntland.

Daacish iyo Shabaab ayaa ku dagaalamaya gacan sarraynta gobolka Bari. Labada dhinac ayaa marar badan ku dagaalamay buuraha Calmiskaad.

Bishii Abril, kooxda Daacish ayaa sheegtay inay 50 xubnood oo katirsan Alshabaab ku dishay dagaal ka dhacay buuraha Calmiskaad, iyagoo sheegay inay dhul badan kala wareegaan kooxda Alshabaab.

Dagaalka Shabaab iyo Daacish ayaa la rumaysan yahay inuu salka ku hayo dano dhaqaale, iyadoo labada koox ay lacago fara badan oo baad ah ay ka qaataan  ganacsiyada magaalada Boosaso.